Talo-Wadaag

Ku Saabsan Talo Wadaag Garoowe

‘Talo Wadaag ‘waa madal ka qaybgalka habka  online-ka ah (e-participation)oo ay wada sameeyeen Dawladda Hoose ee Garowe iyo Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay. Waxaa kale oo ku jira agabyada  u ga caansan ee ka qaybgalka habka online-ka ah ,sida  e-forum, e-consultation, e-voting  iyo ka qaybqaadasha miisaaniyad samaynta habka online -ka ah.

In ka qaybqaadashada dadwaynaha laga dhigo hab digital ah waxay hubinaysaa in ay dadwaynuhu  qayb laxaad leh ka qaataan go’aamada la qaadanayo—taas oo xoojinaysa maamul wanaaga iyo samaynta siyaasado ka tarjumaya baahida shacabka.

Muwaadinku in uu madasha ra’yigiisa ku soo gudbiyo ayaa  ka xigta in codkiisa la maqlo. Haddii ay ahaan lahayd hagaajinta adeegga gaadiidka , in dadka lixaadka la’ ay adeeg wacan helaan, dhisida suuqyo,dayactirka goobaha waxbarashada, madashu waxay qof walba fursad u siinaysaa in uu soojeedinno sameeyo, codsadana in la tageero mashaariicda mudnaanta u leh. Soojeedinnada ay muwaaddiintu  website -ka ku soo gudbiyaan waxaa u codeen kara muwaaddiinta kale, taas oo dhiirigalinaysa doodaha, siinaysana siyaasad sameeyayaasha  xog muhiim ah oo hagta hannaankooda go’aan qaadasho. Dawlad Deegaanka Garoowe waxay mudnaanta siin doontaa Soojeedinnada hela taageerada u ga badan.

Ka qayb galka muwaaddiinta waxay sidoo kale hubinaysaa in lacagta lagu bixiyo mudnaanta la wadaago iyo in qofkasta oo adeegga dawladaa hoose isticmaala uu la socodo meesha lacagta lagu bixiyay.

Talo Wadaag waxay ku dhisantahay Consul- oo ah ka qaybqaadashada dadwaynaha Habka online-ka ah oo ay 2015-tii samaysay magaalada Madrid ee caasimada dalka Spain. Hadda waxaa isticmaala 90 milyan  oo muwaaddin, 130 hay’adood iyo 30 dal. Halabuurkan wuxuu ka mid yahay guulaystyaasha 2018-kii ee Abaalmarinta Qaramada Midoobay ee Adeegga Guud(UN Public Service Award ),sidoo kale waxaa lagu daray la socoshada Hal-abuurka Qidaaca caamka ah ee OECD(OECD Observatory of public sector innovation).